Tan iyo markii uu Cali Cadi Awaare cagaha la soo galay Siyaasada isaga oo wixii ka horeeyayna ahaan Nin ganacasade ah balse ay cadiifad darteed ku hogaamisay in uu cagaha la galo siyaasada isaga oo markaasi maalkiisa u huray helitaanka Jaamac Cali Jaamac in uu mar un noqdo Madaxwaynaha Puntland.
Awaare waxa uu markaasi u tafaxaytay in uu la dagalamo Jaamac Cali Jaamac oo ay dagaal xun dhxmartay C/laahi Yuusuf oo isagu markaasi sheeganayay in uu yahay Madaxwaynaha Xaqa ah ee Puntland.
Awaare waxa uu mudo 6 bilood ah joogay Bosaso markii Jaamac Cali Jaamac uu maamulkisiii la fadhiyay Bosaso waxana uu ahaa xisaabiyaha dhinaca Maaliyada ee Jaamac Cali Jaamac Markii Jaamac Cali Jaamc uu ka cararay C/laahi Yuusug uuna tagay Bosaso.
Dagaalkii C/laahi Yuusuf ku qaaday Bosaso waxa uu Cali Cabdi Awaare la baxsday gaari yar isaga iyo laba nin oo istaaf u ah halka Jaamac Cali Jaamacna uu galay Laascaanood oo uu halkaasi ka duulay.
Awaare waxa u mudo joogay duurka halkaasi oo uu ku noolaa buuraca Sanaag waxana uu halkasi ku aruurshay ciidan beeshiisa u badan isu uu dagaal ugu soo qaado Bosaso oo uu uga bartay Maaliyad.
Gen: Cadde Muuse ayaa ka so duulay Dibada isaga oo ka yimid Canada waxana uu markaasi noqday Generalka Hogaaminaya Ciidamadii uu aruuriyay Cali Cabdi Awaare oo ay hayb wadaag yihiin.
Dagaalo kharaar oo ka dhacay Sanaag iyo Gobalka Bari oo ay kala hogaaminayeen C/laahi Yusuf iyo Cadde Muuse ayaa aakhirkii keenay heshiis labadasi nin dhexmaray kaasi oo aan war laga hayn waxa uu ahaa Baarlamaankana aan loo soo bandhigin heshiiskaasi isdaasna lagu gaaray xal kama danbaysa ah oo u dhexeeya labadaasi nin.
Cali Cabdi Awaare heshiiskaasi dardiis ayaa loogu magacaabay in uu noqodo wasiirka Dawladaha Hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland.
Markii uu hubsaday in uu kursigasi ku farisito Cali Cabdi Awaaare xiliba xili ayuu u dhiibay waxana uu siaga dhigayay in uu yahay daacad balse arintu waxa ay noqotay Jaantaa rogan.
Awaare waxa uu noqday isaga oo ka faaiidaysanaya Jagada wasiirnimo nin isku xira Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf isagana dhiga laba nin oo saaxiib ah isa markasi kursiga loogu dhiib o cadde Musue waxana uu dhamaan maalkii soo gali jiray wasaradaasi uu wasiirka ka ahaa Awaare uu u gundhiga Cadde Muuse isi uu isugu soo sharaxo Jagada Madaxtiniamda Puntland waxa uu sabab u ahaa khilaafaad badan oo dhex maray C/laahi Yuusuf iyo Madaxwaynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Awaare waxa uu hanti badan oo uu ku bixiyo doorashadii Cadde Muuse uu ku gulasytay in uu halkasi ka soo hooyo guul uu la garab tagan yahay Cadde Muuse oo ay isku hayb yihiin.
Awaare markaasi ka dib waxa uu gaaray isku filnaasho siaga oo noqday wasiirka kaliya ee aan dhicin mudo 7sano ka badan tan iyo markii uu cagaha la soo galay xukuumada puntland.
Cali Cabdi Awaare waxa uu markaasi leexsaday dhamaanba Hantidii wasaaradaasi isaga oo intii uu ahaa wasiirka dawladaha Hoose kharashaad badan oo loogu talagalay reer Miyigia iyo tii Tsanamiga gashaday jeebkiisa gaarka ah isla markaana aan cidna kula xisaabtamin.
Cali Cabdi Awaare isaga oohaysta dhamaanba xisaabaadka soo gala wasarada uu wasiirka ka yahay ayuu hadana ka qaadan jiray wasarada Maaliayda 4/2 tasi oo gundhi looga dhgiay in lagu hagaajiyo ceebaha cadde Muuse ee xaga bulshada balse taasina waxa ay noqotay mid isaga u gaar ah.
Dhaliilaha faraha badan leh ee Cali Cabdi Awaare uu ka dhex aburuay Gudaha Puntland iyo cawaaqib xumada uu ku wado Puntland maahan wax qoraal lagu soo koobi karo.
Shacab waynaha Puntland ayaa si aan kala harlahayn u tageeray booska uu haatan baneeyay waxana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin is casilaadiisa uu xalay ku dhawaaqay taasi oo noqotay neeef kulul oo dadka ka soo boday.
Mushtamaca reer Puntland kuma fajacsanayn xilka uu hayo Cali Cabdi Awaare waxana warkisa bacmadaw ku siday Idaacadiisa iyo televionkiisa ku waasi oo tilaabo kasta meel uu dhigo soo tabin jiray sidii in uu yahay madax sare dadkana u faanin jiray balse qof walabaa niyadiisa isaga ayaa og maanta ayaana laga dareemay dhamaanba Magaalooyinka waawayn ee Gobalda Puntland kuwasi oo farxada ciida maanta lagu waydiinayay figradahooda is casilaada wasiirkan is casilay iayga oo figradahoodanaha ka dhiibanayay Idaacadaha la iska maqlo oo ilaa maanta hadal hayay is casilaadiisi kana sheekeeynayay mudadii uu xilka hayay wax lumiskiisii wax uu qabto siak daaye.
Cali Cabdi Aweaare aya haatan hadii las oo taago Maxkamad lagu heli lahaa danbi wayn oo khayano qaran ah isaga oo lagu xukumi lahaa qoorgooyo maadaama uu dal iyo dad dhan dhacay handitoodii mudo ka badan 7sanana uu madaxa kaga taagnaa.
Waxaa xusid mudan Cali Cabdi Awaare in uusan lahayn aqoon ku filan mid maamul iska daaye haatan ayuu kuguda Jiray barashada ABC isaga oo ka bartay dalka Kenya oo uu inta badan safaradiisa aado mudana ku maqnada.
Cali Cabdi Awaare waa wasiirka kaliya ee soo maray wasiirkada Puntland ee meesha lagu keenay qabyaalad xoogleh waana wasiirka kaliya ee aan lahayn aqoon uu ku hayo jagada wasiirnimo ee loo dhiibay hayayna mudo 7sano ah isaga oo meesha ku fadhiya awood qaybsi qabyaaladeed sida laga warqabo kaasi oo uukeenay heshiisii dhexmaray Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf.
Figrad furan: ka dhiibta afkaartiina wax liqistii wasiirkan.
Somalidu waxay tiraahdaa wax qabadkii balse anigu waxaan leeyahay halakal saaro dadka wax qabtay iyo kuwa aan wax qaban hana loo kala saaro sdian.
wax liqistii iyo wax qabadkii