Marka hore waxan idiinku salamaaya salaanta islaanka asalaama calaykum. Marka xigana waxaa wax lala yaabo noqotay markii wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ee Cadde Muuse lagu magacaabay wasiirkii hore ee Dawladaha Hoose iyo Gobolada ee Dawlad Goboleedka Puntland Cali Cabdi Awaare oo ah mulkiilaha idaacada iyo telefishanka ku hadasha Afka Dawlada Puntland ee SBC, Hadaba xaalka Cadde Muuse waa nin qoyani biyo iskama dhowro.
Sababtoo ah Cali Cabdi Awaare waxay isku reer ama isku hayb yihiin madaxweyne Cadde Muuse, waxayna xadhiga Bayla isla yihiin ninka uu Cadde Muuse faraha u geliyey awoodda Puntland ee la yidhaahdo Cabdilaahi Siciid Samatar oo isagu isku haya Wasaradda Amniga Difaaca iyo Dawladaha Hoose iyo Reer Miyiga oo laftiisa ay isku hayb yihiin madaxweynaha aan cadaaladdu habeenna u hoyan garsoorkana hor ilaahay ka jooga ee hogaankii Puntland-na la daalaa dhacaya.
Inta badan madaxweynaha caqligiisu kama foga inta indhihiisu arkaan, wuxuna u haystaa inta isaga ku xeeran ee daba yaacaysaa inay in ay Puntland ugu cilmi iyo xikmad badan yihiin. Wuxuna lumiyey hanaankii Puntland ay ku dhisnayd ee ahaa awood qaybsiga beelaha Puntland isagu waa madaxweynaha muuqda C/laahi Siciid Samatarna waa madaxweynaha qarsoon ee maleega shirqoolka iyo mu’aamaraadka lagu sameeyo wasiirrada, waana nin jecel bahdilaada wasiirada. C/laahi Siciid Samatar nin aanu saarin ama aanu oran kani waa OK Puntland wasiir kama noqdo Dowlad Gobeleedka Puntland.
Waxay ahayd Puntland meel markii hore loo sameeyey dastuur iyo qawaaniin adag laakiin hada waxaad moodaa meel isku dhexyaacday. Waxay ahayd ceel laga wada cabbo biyihiisuna ay wada deeqaan shacabka iyo madaxda reer Puntland. Laakiin imminka waxaad mooddaa inay biyihii ka gureen oo madaxweyne Cadde uu dhoobo uu dhex dabaallanayo.
Haddaba waxaan ku soo khatimayaa madaxweyne Cadde waxaa lagu doortay xeer iyo sharci Puntland. Waxay Puntland leedahay dastuur iyo shacab xalaala oo dhawra nidaamka. Muddada la doortayna Madaxweyne Cadde waa saddex sano; dastuurkiina lama bedelin, oo dadweynuhu uma codayn in sannad lagu kordhiyo. Sidaas darted madaxweynaha waxaa u dhiman muddo ku siman hal asbuuc oo ku beegan 08/01/08. Maalintaa wixi ka dambeeya wuxuu Cadde Muuse kursiga u fadhiyaa waa sharci darro. Haddaanu isagoo madaxweyna ah sharciga iyo dastuurka dhawrin cid kale oo dhowraysaa ma jirto, wixii ka yimaadana isagaa qaadaya masuuliyadeeda
Qalinkii Saleebaan Dalmar
Boosaaso, Soomaaliya