RADIO WAAMO

 

WARAYSIYO/MAQAL

Garowe:05,Dec,2008: Eng: Gacanta ku haya dhismaha Cusub ee Garoonka Garowe oo ka war bixiyay halka uu marayo Dhismaha Garoonka.

 


Eng ayaa sheegay in haatan uu marayo Garoonku heer gabo gabo ah ayna u dhimantahay dhamaystirka Run Wayga dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan waxana uusidoo kale sheegay Ingineerku in ay dhamaystireen wadooyinkii waawaynaa ee ay soo mari lahaayeen Gaawaarida isla markaana ay u diyarshen baakin waxana uu sheegay in dhirtu ay haatan iaydana la soo afjaray dhismaha terminalka ayuu ku sheegay in sanadka cusub la bilaabi doono marka laga falaxasho dhabaha ay diayaraduhu ku ordaan isla sanadka Cusub hadii alle idmo.


Ing: C/qaadir ayaa amaan balaaran u soo jeediyay Jaaliayda iyo odayaashada, Issimada Gobalka Nugal kuwasi oo awoodooda isugu geeyay Sidii ay caasimadu u yeelan lahayd Garoon Caalami ah lana mid ah kuwa caalamka laga is ticmaalo isla markaana loo adeegsan karo diyaard kasta oo dhulka ku soo dagta.


Garoonkani ayuu Ing, ku sheegay in uu yaay Garoonka ugu caalamasin Somali xiligan marka uu is taagana uu noqonayo kan ugu fiican geeska Africa waayo malan buuro waxana uu saaran yahay Laami waxa uu leeyahay dhul baaxad wayn waxaa halkii mar ka duuli kara kuna soo dagi kara isku mar ilaa iyo 20 diyaaradood waana laga sii badin karaa hadii markaasi loo helo dhaqaale kale oo isaga oo dhisan ayaa la kordhin karaa.


Eng: C/qaadir oo ah Engneerka Gacanta ku haya dhismaha Garoonka Cusub ee Garowe ayaa sheegay in aysan jirin dawlad ka caawisa Dhismaha Garoonka waxana u sheegay in Xukumada Cadde Muuse ay Gacnaha ka labatay dhismaha Garonka Garowe taa badalkeedana ay u istaageen Shacabka reer Puntland kuwasi oo ku guulsytay in ay dhamaystiraan dhisamaha dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan haatana diyaar la ah in ay dhamaystiraan dhisamaha terminalka Groonka Garowe.


Eng: C/qaadir ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii ugu horaysay ee ka hawlgali lahayd garoonka Garowe haatan loo qaban qaabinayo in ay soo qataan Tababaro la xiriirta Xirfada Ka shaqaynta Garoomada kwuasi oo tababaro ku soo qaadanaya wadamada Kenya, Masar Emaaraadka Carabta waxana uu sheegay in dhaqaalaha iyo qalabaynta Garoonka ay bixinayso Qaramada Midowbay.


Inginerka aya sidoo kale sheegay in dhaqaale ay ka heleen Haayadaha Qaramada Midowbay waxana uu sheeegay in haayadaasi oo ay ugu horayso UNDP ay aad u danaynayso dhismaha Garoonkan oo ay sheegtay in Garwoe ay tahay Caasimada Puntland isla markaana ay lagama maarmaan tahay in Caasimadu yeelato Garoon sidaas darteedna ay haayadani u danaynayso dhismaha Groonkan.


Engineerka ayaa sodoo kale shegay ina y haatan la soo xiriirreen shirkado abdan oo quudaraynaya in ay saldhigyo ku yeeshaan gudaha garoonka sharikaadkaasina ay u badan yihiin kuwa duulimaadka oo aysan ku jirin kuwa Somalida sdia uu Ingineer C/qadir shegay oo ah Ingineerka Gacanta ku haya dhismaha Garoona oo uu sheegay in Sanadka soosocda uu is taagi doono Garoonka Caalamiga ah ee garowe hadii alle idmo.


Ingineerka ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in Xukuumada Cadde Muuse ay kala fatisho dhismayaasha Garoonada Bosaso iyo Garowe oo ay midna gacan buuxda ku hayso farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan midna ay iskaba ilowdo iayda oo awoodi akrta wax qabad intaasi ka badan waxana uu sheegay Ingineerku in haatan aan algu tashanayn Xukuumada wakhtigeedii dhamaday Garoonkuna uuba iska istaagi dono balse ay tahay tan qormaysa Taariikhda diiwaankana galaysa.


 


Garowe:www.raadiowaamo.com


Codka Shacabka Jubbada Hoose


 


 


Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 

FIKRADAHA/MAQAALLO