Waxaa la arkayaa Haween badan oo isaga kala imaanaya deegaanada Puntland iyo dhamaan dhulalaka ay Somalidu dagto qaarkood waxa ay haweenkaasi ka soo kici timeen magaalooyinka Nairobi, Jabuuti, Jig jiga, Kampala, Dubai,Gaarisa, Sanca, Qahira iyo meelo kale oo fog fog oo ay markii hore u hayaameen ama ay u carareen iyaga oo ka baxsanaya colaadaha daba dheeraatay ee dalka ka jirta.
Haweenkan oo tiradoodu ay aad u abdan tahay ayaa dagan Hotelo waawayn oo ku yaala magaalooyinka waawayn ee Puntland kuwaasi oo ay burcad badeeduna dagan tahay waxana ay isu haystana sidii dad is qaba oo caadi u wada dagan waxaana arkaysaa mar marka qaar baabuur fara abdan oo ah nooca loo yaqaano burcad badeeda oo ay haween wataan taasi oo ku tusinaysa sawirka Amin arts uu u so qaatay Haweenku in ay la dhacsan yihiin lacagta faraha badan leh ee ay qaataan burcad badeedu taasi oo ay aaminsan yihiin in ay dhankooda duul duul ka soo gaarayo.
Haweenka maanta jiraa waxa ay noqdeen kuwo hunguri u saaxiib ah oo aan eegayn mustaqbalkooda danbe iyo waxa ay ay ku danbaynayaan mana kala yaqaanaan intooda badan xalaasha iyo xaaraanta kamana fakaraan waxa soo socda iyo sida uu mustaqbalkoodu noqon karo.
Haween badan oo ka yimid dhulal fog fog ayaa is ku qurxiyay sidii ay mar kaliya ula nolaan lahaayeen burcad badeeda dagan hotelada waawayn ee Puntland waxana ay ku guulasytaan intooda badan in ay helaan wixii ay ku haminayeen ee ahyd la noolaanshaha mudooyin kooban burcad badeeda.
Qaar ka mid ah burcad badeeda ayaa iaygu guursada haweenka balse intooda abdan ma guuursato waxana ay ku wada nool yihiin Hotelada ay dagan yihiin qaab saaxiibtinimo ah kuwa guursdaa qudhoodu uma guursadaan mustaqbal ee waxay u guursadaan in ay isaga ilaaliyan xaaraanta faraha badan leh ee ay dhexmushaaxayaan waxana ay haystaan haweenka mudooyinka ay joogan hotelka waxana ay haweentu ku war heshaa subaxa uu ninkii qabay ee burcad baeeda ahaa uu u shaqa tagayo soo qafaalida xoolaha bada maraya isaga oo furay taasina waxay keentaa in haweentii la qabay ee daganayd hotel ay halkaasi isaga huleesho waxana uu soo laabtaa mudo ka dib isaga oo xoolo wada ama soo dhiciyay waxa uu dagaa Hotel waxana uu la noolaadaa Haween kale tii hore ee uu qabay war uma hayo halka ay aaday iyo wixi ka danbeeyay madaama ay noloshuba la tahay riyo uur in ay lahayd iyo in kale gadaalba isuma waydiiyo halkii uu ku furay ayuu ku hilmaamaa tan danbe ayuu nolasha la wadaagaa sidii oo kale maalmo waxana uu ku soo dhacdaa tanina sidii tii hore oo kale tii uur qaadaa iyada iyo Nasiibkee war looma ahayo aqoon buuxdana loomalahayn maadaama la isku guursday riyo iyo soo dagid hotel iyo walaalow casho iga bix iyo meel aan seexdo ma haysto taasi oo u fududaysa burcad badeeda in ay markaasi dajiyaan haweenka Hotelada ay dagan yihiin wlibana halka qol uu dagan yahay ay la dagto iayda oo qisdigeedu yahay in ay ninkan ka hesho lacag xoogaa ah isna uu s leeyaha yartan quruxda abdan bal dubo oo daji taasina ay u fududaysao is dhexgalka baahiyahooda.
Si kastaba haeen badan ayaa ku daba hoogay burcad badeeda halka kuwo kalena ay ka tashaden burcad badeeda o ay ka raadsadeen rag fiican oo xalala quudato ah oo aan burcad badeed ahayn nolo ficana la wadaaga balse kuwa daba jooga burcad badeedu waxa ay mar walba ku nool yihin wal wal iyo dhibaato qaar badan oo ka mid ah haeenka burcad badeeda aya ataagan Kamka badaha ee ay burcad badeedu ka duulaan iyaga oo ka raadinaya nolol iyo is barasho ay halkaasi ka helaan mid nolosha la qaybsada oo ay gaado balse laba kala bariday kala war laha isna waxa uu maagan yahay in uu dhaxanta dhacasya kaliya ka xigsado halkaasna uu uga tago marka uu u soo labanayo magaalada oo uu ka soo laabanayo Kamka iyana waxayba niyada ku haystaan nolol iyo helitaanka Lacag ay ka hesho Nin burcad badeed ah oo mar walba dhexjifa xaaraan qooshan.
Lasoco qaynaha kale
Source:www.raadiowaamo.com