RADIO WAAMO

 

WARAYSIYO/MAQAL

FAALO: MADAXWEYNE CADDE MUUSE MAXAY REER PUNTLAND KU XASUUSAN DOONAAN?Qof weliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noogeystay

Qofweliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noogeystay
Diiwaano-qaran baajiroo loogu qorayaaye,
Intaad qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda.



Nin gabyaa ah ayaa hadda ka hor ku gabyay, qofkasta oo bini aadamka ka mid ah labo midkood ayaa lagu xasuustaa, ama waa qof wanaagiisa iyo waxtarkiisa bulshadu waaya dambe ka sheekayso, ama waa Alla-kad dhibaatooyinka iyo lugooyada uu mujtamaca u geysto iyo tahluukooyinkiisa waayadambe laga sheekeeyo.
Ma ahan oo keliya dadka siyaasiyiinta ama madaxda dawladda balse qofku xitaa hadii uu kamidyahay bulshada caadiga ah waa kii weligiis la qiimeeyo, waxaa qiimeeya dadka uu wadida la yahay, saaxiibadiisa iyo deriskiisa... Balkawaran qofkaasi hadii uu yahay madaxweyne ama masuul sare oo bulsho iska dhan hogaankeeda loo dhiibo?
Dabcan waxaa sii badanaysa waxka sheegiisa iyo hadal hayntiisa, mudane Cadde Muse (madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland) bal hadii aynu is weydiino maxaynu ku xasuusandoonaa, wanaag iyo xumaan, maxay dadka hadda jooga iska daaye kuwa dhalandoona iyo kuwa hadda yar-yarka ah oo aan weli garaadkoodu garashada siin marka ay waxgarad noqdaan loogu sheekayn doonaa.
Hadda waxa jira dad badan oo ka soo jeeda gobolada Puntland oo dibadaha kunnool abidkoodna aan iman Puntland, kuwo mar hore dibadda uga baxay oo qurba joog ah, hase yeeshee dhamaandoodba waxay indhaha ku hayaan waxa ka dhacaya gudaha dalka, waxay dhegaha u taagayaan wararka shaamareerka leh oo maalinkasta war-fidiyeenku ka soo tebinayaan.
Waxaa laga yaabaa akhriste marka aad cinwaanka maqaalkan aragtid in ay maskaxdaada ka guuxayaan waxyaalo badan oo madaxweynaha lagu xasuusan doono oo aad adiga keli ah ogtahay, dabcan qofkasta waxaa u gaar ah garashadiisa iyo xogta uu hayo, aniga aad ayay u yartahay xogta dhabta ah oo aan dhacdooyinka jaahwareerka iyo fajacisada leh oo gudaha Puntland ka socda ka ogahay.
Hase yeeshee, wararka ka soo duul-duulaya ma ahan wax qarsoomi kara.
Kahor inta aynaan ka jaqaabin su,aasha cinwaanka kore, waxaa isweydiin mudan sida uu madaxweynuhu kurisaga madaxtooyada kuyimid iyo wadooyinka uu u soo maray.
Waxaynu ognahay kursi madaxtooyo waxaa lagu gaarikaraa saddex midood:-
1. Boqortooyo (kingdom), oo ah nadaam dhaxaltooyo.
2. Keligitalis, (dectatorship), nadaam keligi talis ah oo inta badan xukunka kuqabsada afgembi mulateri sida dawladaha dunida sadexaad ( third world) intooda badan ka jirta gaar ahaan Africa.
3. Doorasho xor ah (Democracy), nadaam ay shacabku doortaan cidda hogaanka u noqonaysa oo xukunkiisa shacabku iska leeyahay, badanaa dawladaha horumaray (developed countries).
Hadaba midkee sedexdaas ka mid ah oo madaxweyne Cadde kursiga madaxtooyada Puntland ku yimid? Waxaa laga yaabaa dadka qaarkood inay ku jawaabaan ( doorasho baarlamaani ah !!!).
Qofba wax ha kujawaabo, dadka badankoodu waxay u arkaan in doorashadii January 2005 ay ahayd masraxiyad dadka reer Puntland lagu indha daraandarinayay, doorashada ka hor waxaa la ogaa cidda ku guulaysaneysa, taasi waxa ay ku cadayd heshiiskii ay kala saxiixdeen C/laahi Yusuf (madaxweynihii markaas Puntland ka talinayay) iyo Cadde ( hogaamiyihii jabhaddii GBP oo markaas mucaarad hubaysan Puntland ku ahayd).
Gen. Cadde ma ahayn shakhsi ay si fiican u garanayeen bulshaweynta reer Puntland, markii ugu horaysay oo magaciisa si fiican u shaaco waxa ay ahayd maalmihii is riix-riixa siyaasadda iyo dagaaladii sokeeye ee taariikhda Puntland markii ugu horaysay uguna dambaysay ka dhacay, waxaa xusid mudan inuu ahaa hogaamiye jamhadeedkii ugu horeeyay oo gabbaad u gala xadka Somaliland,
Puntland waxay soo martay saddex waji oo kala ah:-
1. Wajiga kowaad oo ahaa xiligii la dhisay maamulkii ugu horeeyay oomadaxweynihiisa loo doortay mudane C/laahi Yuusuf Axmed, maamulkaas oolagu xasuusto kala dambayn iyo amni wanaag.Inkastoo aan asaga loonisbeyn karin ee ahaa wax soo jireen ah. Isimadda iyo waxgaradkuna udubdhexaad u ahaa
2. Wajiga labaad oo ahaa xiligii kala guurka ahaa oo uu Puntland ka jiray jaah wareerka siyaasadeed kaas oo ka dhashay kadib markii isimada Puntland qaybtood xilka u siyaadiyeen maamulkii markaas jiray, taas oo ay ka hor yimaadeen qaybo kale oo kamid ah isimada ayna qaban qaabiyeen shir markaasi lagu dhisay maamul uu madax ka yahay Jaamac Cali Jaamac, taas oo dhalisay iskudhac iyo dagaal dhexmaray maamulkii hore iyo kii cusbaa, khilaafkaas oo lagu xaliyay heshiis iyo awood qaybsi dhexmaray labadii garab oo siyaasadda isku hayay, fursadna siiyay Cadde Muuse inoo siyaasadda Puntland markii ugu horaysay ka dhexmuuqdo.
3. wajiga sadexaad oo ah kan ay hadda Puntalnd ku jirto, maamulkiisana uu madax ka yahay Gen. Maxamud Muse Xirsi (Cade), waxaa muhiim ah in aan waxka sheegno dhacdooyinka ugu waaweyn oo lagu xasuusan doono maamulka Cade oo hadda mudadiisu sii dhamaanayso.
DHACDOOYINKA UGU MUHIIMSAN OO LAGU XASUUSAN KARO MAAMULKA CADDE:-



  • Gobolka Sool oo ka mid ah shantii gobol oo Puntland lagu aas-aasay oo uu ka soo jeedo masuulka labaad ee ugu sareeya maamulka. Puntland oo mudo sanad ku dhowaad ah ka maqan gacanta maamulka Puntland.


  • Nabadgelyadii iyo amnigii oo faraha ka baxay. Ilaa magaalooyinkadhexdooda lagu dilo cidii la rabay. Waxaa la gaaray in si bareer ah loo toogto taliyaha Police. Waxaa la afduubay masuuliyiin badan sidagudoomiyaha gobolka Nugaal, iyo taliya kuxigeenka police Puntland


  • Sicir barar iyo maciishaddii oo cirka isku shareertay.


  • Qiima dhac ku yimid lacagtii shilinka Somaliga kadib markii makiinado ay leeyihiin shakhsiyaad gaar ah ay suuqa ka soo buux dhaafiyeen lacago been abuur ah.


  • Baddii iyo berigii oo shirkado maafiyo ah macdantii ka dhurteen.


  • Burcad badeed iyo kooxo argagixiso ah oo amni darada ka faa,iidaystay dawladuna gacan saar la leedahay.


  • Police-kii iyo ciidamadii Daraawiishta oo hawshoodii qaban waayay kadib markii ay waayeen mushaharadoodii iyo bajad kii loo qorsheeyay.


  • Hayadihii caalamiga ahaa iyo ururadii aan dawliga ahayn oo dalkii iskaga baxay ka dib markii ay waayeen wax amaangelyadooda damaanad qaada.


  • Ganacsigii xoolaha nool oo si xilkas la,aan ah gacanta loogu geliyay ganacsato Carbeed.


  • Madaxweynaha oo cabsi uu ka qabo in kursiga laga qaado darteed si toos ah ugu dhawaaqay inuu heshiis lagalay qaybo ka mid ah ururkii maxkamadaha oo markaas awood mulateri iyo taageero kulahaa koonfurta Somalia.


  • Golayaasha deegaanka oo markii ugu horaysay laga hirgeliyay degmooyinka qaarkood. Wax laga dhaxlayna eey noqotay qabyaalad iyo eex maadaama aan lagu saleyn maamul wanaag iyo cadaalad


  • Mashruuca dhismaha garoonka Bosaso oo weli qabyo ah.

MAXA FASHILIYEY SIYAASADDA GEN. CADDE?
Marna ma oran karno guusha ama guul-darrada ku timaada siyaasadda Puntland waxa masuuliyadeeda qaadi kara hal shakhsi oo keli ah, guud ahaan golaha fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa) iyo golaha sharci dejinta (Baarlamaanka) waxa ay si wada jir ah u wadaagaan fashilka siyaasadeed, dhaqaale, iyo amaan-darro ee ku yimid DGPL, haseyeeshee waxa uu madaxweynuhu leeyahay masuuliyadda koowaad waxkasta oo dhacay.
Fashilkiisa ugu weyn waxaa keenay khibrad la,aan iyo isaga oo si kama,ah ku hantay hogaanka Puntland, indheer garad fara badani waxay ku tilmaamaan Gen. Cadde inuu yahay shakhsi aan marna hanan-karin masuuliyada intaasi le,eg, iyadoo sabab looga dhigo,
-Karti-la,aan: Go,aan iyo talo jilicsanaan.
-Caafimaad-darro: inagoo la socona in ayka badantahay inta madaxweynuhu dalka dibadiisa isku daaweynayo inta uu dalka joogo, shuruuruudaha ugu muhiimsan oo looga baahanyahay qofka hogaan dawladeed qabanaya waa inuu caafimad yahay.
­-Ballan-qaadyo aanu fulin: munaasabad kasta Madaxweynuhu waxa uu ka sheegaa ballan qaadyo iyo fulinta mashaariic horumanineed, marla arko shirkado maalgeshi iyo sugidda amniga waa halhayska madaxweynaha.
­-Madaxweynaha oo la tashada rag gaar ah oo ka mid ah jifidiisa: waxyaalaha ugu badan oo fashiliyay siyaasadda Cadde Muuse waxaa ka mid ah isaga uu arintii iyo taladii dalka gacanta u geliyay shakhsiyaad yar oo ka mid ah qoyska uu ka soo jeedo ku waas oo sida ay doonaan ugu tasarufa hayadaha iyo hantida dalka.
-Cadaadis weyn oo kaga yimid dhanka Dawladda Federalka.
-khibrad la,aan: Cadde Muuse waxa uu ka mid ahaa Soomaalidii qurba joogga ku ahayd wadamada galbeedka, taas oo saamayn weyn kuyeelatay sidii uu ula qabsanlahaa siyaasadda iyo wacyiga dhabta ah ee ka jira dalka.
-Dhaqaala urursi: Waxaa lasheegaa in dhaqaalaha ugu badan oo dalka soogala uu si toos ah jeebka madaxweynaha ugu dhaco, taas oo kaliftay in shaqaalaha dawladda, ciidamada police-ka iyo daraawiishtaba ay mushahar la,aan la gedoodeen, Cadde intii uu talada hayay waxa uu heshiisyo badan la galay shirkado maafiyo u badan wuxuuna isku deyay inuu waxkasta lacag ka dhigo heer uu gaaray inuu dhagxaantii iyo ciiddii dibadda dalka u qaaday.
Ugu dambayn, Cadde xumaantiis iyo wanaaggiisba hadda waxa uu ku jiraa xilli gaba gabo ah oo mardhow doontiisa mid shiraacaneysa ayay u muuqataa, Puntand waxa ay soo martay tijaabooyin badan oo kala ah talis mulateri iyo qurba joog dibadda ka yimidba, hadda ka dib dadka reer Puntland maxaa idiin daw ah, Cadde ka dibse yaad dooraneysaan? Miduu noqdoba Alle ha ka dhigo mid waxkabedela marxaladda qalafsan ee maanta aynu ku jirno, ogaaadana inuusan qofkeli ah oo madaxweyne loo doorto isbeddel iyo horumar toona keeni doonin hadii aan dadka reer Puntland dhamaantood dantooda si wada jir ah isugu gacanqabsan.


 



C/laahi Ciise Yuusuf
Khartoum, Sudan


NB: fariintaani waxay ka turjumaysaa qoraga ku saxiixan


Soo gudbinta www.raadiowaamo.com


Codka shacabka Jubbada Hose


Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 

FIKRADAHA/MAQAALLO