RADIO WAAMO

 

WARAYSIYO/MAQAL

Garowe. 03-Okt 2008. Cadde Musse iyo Xasan Dahir (Afquruc) oo bilaabay olole doorasho oo xeeladeysan!!!




Garowe. 03-Okt 2008. (RW). Akristayaasha sharafta leh dhamaantiin ciid wanaagsan, waan idin salaamay. walaal maqaalkan waxaan cinwaan uga dhigay Cadde iyo Afquruc. Waxaana u sabab ah hadalada isasoo tarayey ee kusaabsan doorashooyinka Puntand 2009. Waaba hadeey dhacdo oo si cadaalad ah u dhacdo!!!. M. Cadde waxaa u marar badan balanqaaday inuusan maalin qura uusan ku darsaneyn. Oo waa yaabee miyuusan is oran haba is sharixin. 


Waxaa si toos ah iyo si dadbanba u bilaabmay ololihii doorashooyinka. Xassan Dahir wuxuu maalinkii ciida meel fagaare ah Magaaalada Garoowe ka sheegay in Laascaanood lasoo celin doono dabayaaqada sanadkaa tasoo looga gol leeyahay xeel siyaasadeed si loo beer la xowsado xildhibaanada SSC iyo dhamaan ummadda reer Puntland. Maxaa diiday in lagasoo bilaabo 15-oct-2007 ilaa iminka la xoreeyo magaaldaas. 


Cadde wuxuu BBC-da u sheeg in magaalada Bosaso gagida diyaaradaha la balaarinayo, isla markaana dakad tan haatan jirta ka weyn la dhisayo. Maamulkoodana lagu wareejindoon Dubai Port Authority DPA. Ujeedada Cadde arimaas uga dan leeyahay waa adigana qorshaha Xassan Daahir kula wado dhinacaaga riwaayada ka jil. Oo xildhibaanada iyo duqeyda reer bariga balamo been ah usheeg. Uguna yaboow barwaaqo iyo baraaro. 


Walaalayaal waxaa xusid mudan in sanadadii hore dhamaan reer Puntland lagu seexin jiray balamo been ah sida shidaal qodid iwm. Waxaa cadaadatay taas caksigeeda kadib markii maamulka hada jiro kucaan baxay eex, qabyaalad, karti xumo,aqoon yari, waaya aragnimo xumo, iyo musuqmaasuq meeshii ugu danbeysay. Dhamaan dadka xaalka soomaaliya indha indheeya waa la socdaan warbixintii tranprancy International in Soomaaliya liiska meesha ugu danbeysa ka gashay. Ma dhici kartaa akhristoow maamul ku fashilmay inuu nabadii jirto ilaaliyo, ummadda shaqo u abuuro, haduu rabo yuusan wax abuurinee mushaaraadka shaqaalaha bixiyo, ka gaabiyay adeegii bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka inuu umadda shidaal usoo saaro. Dakado iyo airportiyo balaariyo.


 Ugu danbeyntii waxaa maamulka Cadde iyo Afquruc iyo intii daba hunbaaleysa u sheegayaa in ummadda riwaayada loo jilaayo laga daayo. Filmkaan xataa ilmaha caruurta ah waa garan karaan waxa looga gol leeyahay. Dalal badanbaa madaxdooda marka doorashada soo dhawaato umadda been iyo balanqaadyo ku harqiya, taa maanta ummadda Puntland wacyigeeda waaka sareeyaa. Soomaalidu waxeey ku maahmaahdaa ninkaad kabo ka tolaneyso kuwiisaa la eegaa. Ugu danbeyntii waxaa isweydiin leh hadii Lascanood la xoreeyo oo misna dalka dhan cagaar laga dhigo miyeeyan aheyn wixii loo doortay oo loo heeryeeystay mise cidbaa loogu mina sheeganayaa, miyeysan aheyn Cadde iyo jaalkiisa Afquruc nimanka laascaanood gacanta ka bixiyay oo dalka maanta meeshuu marayo gaarsiiyay, aloow shala umuuraha.  


Waxaa rag kamid a maamul haatan ee Puntland ee cadde hogaamiyo laga hayaa waxaa nagu filan 34 cod si mar labaad nalooo doorto waxaana ka heleenaa 21 bari + SSC 17 Sidaana waxaan ku heysanaa 38 cod iyo waliba anagoo lufluf ka heli doono gobalada kale ee Nugaal iyo Mudug. Waxaa umada Puntland guud ahaan iyo xildhibaanada dhawaan la magacaabi doono uga digayaa inaan filmkaan la marsiin oo lagu maaweelin mashaaric faashil ah.


 


Wabilaahi towfiiq


Saalax Siciid Diiriye


Gudomiyaha Puntland Aid Service


 qoraalkan wuxuu quseeyaa qoraaga.
 www.raadiowaamo.com wakiil kama ah.


Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 

FIKRADAHA/MAQAALLO