London.(RW). haddii aan mid mid u fiirino oo maanta waxa ka taagan caalamka dib ugu laabano, ka dibna mida allaahna fiirino oo aan ku laabano sida kitaabka iyo Sunaha ku taal.
waxaan u kala qaadayaa laba qaybood.
1 - qaabka ay u dajiyeen gaaladu ayna rabaan in ay ina marsiiyaan doorka gabadha ay kuleedahay bulshada.
2 - qaabka ay u dhigtay diinta islaamka iyo doorka saxda ah ee ay kuleedahay gabadha muslimada ah bulshada. iyo horumarinta diinta islaamka Waxa aan shaki ku jirin in gaalada ama dadka reer galbeedka ah in ay ka dhigteen gabadha sidii rasaas qori ku jirta oo ay ka dhiganayaan difaac waxaan oga jeedaa waxay mar walba ku doodaan oo ay sameeyaan mutamaro ama wacyi galin ama ururo ay ku magacaabayaan (xoriyada gabadha) oo ay rabaan in ay dibada u soo saraan ayagoo markaas ka dhiganaaya rasaas ay rabaan in ay xaqa kaga horyimadaan kana dhaadhiciyaan dumarka aan diinta lahayn iyo kuwa daciifka ka ah xaga aqoonta diinta waxay doonayaan in ay khilafaan markii uu rasuulka yidhi fitno u wayn dumarka ee iska ilaaaliya taas kama wado dumarku waa fitno mar walba ee waxaan uga danleeyahay qoom marka la doonaayo in la rogo waxaa laga soo galaa dhanka dumarka iyo shabaabka dumarku waa fitno socota hadii rasaas ahaan loo qaato oo difaac lagu galo.
Waxay gaaladu ku doodaan intaas in ay sameeyaan ururo u dooda gabadha xoraynteeda oo aynaan inagu garanayn markaynu nahay dad islaam ah meesha ay adoonta ku tahay iyo wal ciyaadu bilaah in ay raga la siman tahay oo wax ay yidhaahdaan raga iyo dumarku waa isku mid waxay ku sameeyaan mutamaraad badan taas oo hada ayba ku badatay marka laga soo tago reer galbeed iyo gaalo wadanada islaamka oo aad maqlayso xoriyada gabadha muslimada ah meelo badan oo dumarka looga hadlo arimahooda oo aan looga hadlayn si sax ah meelo badan oo lagu doodaayo oo lacago intee le,eg lagu bixiyo oo maanto dhan laga hadlaayo gabadha iyo xoraynteeda taasna ay tahay gaaladu meel ay ka soo galaan umada islaamka oo ay kaga sameeyaan dhabar jabin iyo si ay u tuuraan ugana hor yimadaan kitaabka allah iyo sunada rasuulka csw . muslimiintuna ayna war u hayn halka lagala dagaalamaayo iyo siday u fogtahay .
Mida kale hadii aan ka hadlo ee qaabka ay u dhigtay diinteena macaan ee wada naxariista ah.
taas oo allah uu u sameeyay dariiqooyin iyo waxyaabo badan oo uu u dhigay si sharci ah oo raxmaanku aanu marnaba ku gafin xaqa dumarka iyo sidaa diinta islaamka u aragto gabadha islaamka ah iyo siday u karaamaysay
dumarku waa dhameestirkii raga waxaana u allah u sameeyay caqiidooyin dhinacyo badan ayay raga iskaga mid yihiin sida caqiidada cibaadada jihaadka iyo waxyaabo badan oo si dhamees ah ay isaga mid yihiin raga iyo dumarka ayna dhinac diintu oga wada istaagayso allahna waaka yidhi ma luminaayo midkiin camal uu sameeyay ama ha ahaato rag ama dumar midkiinba kan kale ayuu u yahay dhameestir .
Gabadha muslimada ah waxay ixtiraam iyo karaamo uu rabi siiyay ku leedahay guriga iyo bulshada kori u qaadida iyo ka qayb galka wax walba oo wanaagsan oo
diiniyah ugu yeedhida dadka in jihaadka laga qayb galo iyo waxyaabo badan oo la mid ah .
gabadha islaamka ah iyo sida ay u karaamaysay islaamku waxuu qiyaasay oo uu siiyay maktabad sare waayo mar waa hooyo oo waxay rabaysaa ayna tarbiyaysaa ilmaheeda waxayna u leedahay bulshada iyo mujtamaca islaamiga ah karaamo iyo wanaag waayo ta guriga habaysa ilmaha tarbiyaysa ee giisi ka soo saarta ninka geesi ismooda.
gabadha muslimda ah diinta kor ayay u qaaday oo way karaamaysay mrka ay ka dhigtay janada lugaheeda hoostooda waxuu islaamka siiyay karaamo aad u saraysa.
gabadha muslimada ah waxay diintu ka dhigtay mataac aduun ta ugu khayrka badan waxaa weeyaan gabadh saalixad ah
(aduniyaa mataac wa mataacuhaa imra saalixa).
Gabadhu waa masuul waxayna masuulka tahay waxii masuul looga dhigay oo allahbaa ku karaameeyay in ay noqoto mid barbaarisa ubadka kana soo saarta rijaal ama rag diinta dhaxal u gala oo jihaadka taga oo allah diintiisa kor u qaadawaa in ay gabadhu ogaato meesha iyo doorka ay kuleedahay ee ay siisay diinta islaamka iyo waynida ay waynaysay oo ay ogaato qiimaheeda waxay kuleedahay doorka badbaadinta umada gabadha islaamka ahi in ay diinta iyo dacwada allah faafiso in ay haweenka islaamka ah wax barto oo ay barto waxa lagu leeyahay iyo waxa ay xaqleeyhiin ee rabigood siiyay ayna u sheegto karaamada diinta islaamka ah ay siisay gabadha muslimada ah .
gabadha muslimda ah waxay xaq uleedahay wax walba oo kitaabka allah siiyay rasuulka csw uu u jideeyay gabadh kasta waxaa waajib ku ah in ay waxbarato oo ay cilmi iyo diiniba barato ogaatana muhiimada loo keenay koonkan waa in ay tahay gabadha muslimada ah mid ka soo bixi karta wax walba oo wanaagsan.
Hadii aynu ka hadalno waxbarashada iyo doorka ay kuleedahay gabadha muslimada ah cilmigu faral ayuu ku yahay iyo waajib qof walba oo muslim ah gabadhana waxaa loo baahanyahay in ay noqoto mid aqoon leh diini iyo maadiba si ayna u raad raacin cadawga allah ee xoriyad aan jirin u doodaya una furtay meelaha waa wayn walaalo gabadha muslimada ahay wax u rabi ku siiyay ee kaa maqan doono intaad baratid waxii aan rabi ku siina wakhtigaaga ha ku lumin .
hadii aynu ka hadalno gabadha muslimada ah ee wax baratay ee rabta in ay shaqeeso isla markaana soo saarto ubad iyo qoys farxad ku dhantahay si toos ahna loo tarbiyeeyay gabadha muslimda ah waxay noqon kartaa macalimad sidoo kale q dhakhtarad sidoo kale waxay bari kartaa haweenka islaamka ah waxyaabaha looga baahanyahay in ay bartaan oo doorkaa gabadha ayaa iska leh hadaba sideebay iskugu keeni kartaa in ay waxna barato waxna kordhiso waa in ay wakhtiyada faairqa ay tahay kaga faaiidaysato waxii ay baratay ama waajibka ku ahaa in ay gaadhsiiso bulshadeeda ka ooman waa in uu la shaqeeyo aabuhu oo ay jirto caawimo dhanka aabaha ah si la iskugu keeni karo .
guntii iyo gaba gabadii waxaan doonayaa inyar in aan ka hadlo .
Gabadh ayaa waxay sabirtay oo ay baratay 16sano oo waxbarasho ah 12sano oo dugsi sare ah iyo ugu yaraan 4sano oo jaamacad ah way u dhibtootay wayna u sabirtay se kumay shaqayn oo guriga ayay fadhiisatay oo ubadkeeda ayay si wacan u barbaarisay u mudaakaraysay ma wax u akhriday reerkeediibay ka soo saartay reer sax ah oo kii loo baahnaa ah waa in ayna ku ooyin ama odhan 15sano ayaa iga khasaaray maya walaashay kaamay khasaarin ee reerkaaga ayaa u baahan oo naftaada ayaa u baahan aqoonta oo aad ku badbaadisay hadii aad gabadh jaahilad ahaan lahayd reerkaaga maad soo saarteed markaa ogoow mar walba waa waajib cilmigu waana wax faaiido adiga iyo qayskaaga iyo bulshadaba u ah ha ku taamin allah intaas oo sano way iga khasaartay kaamay khasaarine waad ku faaiiday oo bulsho ayaa waxaa ay ka kabantaa waa ubad barbaarintooda lagu guuleesto i yo qoys si sax ah usoo baxa bulshaduna waa qoysas isku tagay guul iyo faaiido labada marba waad haysaa hadii ay fursad u hesho in ay shaqayso waad haysaa guul hadii aad shaqayn waydana waa gul oo jaahilnimo waxba ma badbaadin karto jiilna ma soo saari karto hooyduna waa madarasad hooyadu hadii ay ubadkeeda diinta ku barbaariso oo ubad wanaagsan soo saarto ajarku ayada ayuu u laabanayaa walashayda muslimada aheey waxa loo cararaa sow (Jano ) ma aha waxay kugu jirtaa in aad cibaadadaada toosiso saygaaga ama ninkaagana ku adeecdo wax walba oo wanaagsan oo aan diinta khilaafayn hadii aad Jano lagu waarayo hesho maxaa kaa maqan walaalo.
Mawduucan waxaan diyaariyay 2cisho ka hor laakiin markaan akhristay maqaalka gabadha ay soo dhigtay hadhwanaag awaxaan jeclaystay in aan xoga ku yar daro oo arintaad duudsiga iyo gabadha dulmiga lagu hayo ee ay ka hadashay aan in yar ana fikradayda gaaban ka dhiibto .
Waxaa wanaagsan in marka tusaale la soo qaadanaayo la soo qaato midka islaamka uu gabadha u sameeyay ee uu siiyay hadii wakhtigi jaahiliyada la aasi jiray islaamku gabadha muslimada ah wuu sharfay hadii gaalo cadibto ama ayna u haysan in ay ruuxi ku jirto allah iyo rasuulkiisu csw darajo wacan ayay siiyeen gabadha muslimada ah oo karaamo ayay u yeeleen markaas qofka allah ka cabsanaaya ee diinta allah qaatay marna ma duudsin karo ama kama celinkaro wax diinteeda macaan ay xaq u siisay waxay muhiimada tahay gabadha muslimada ah si aanay xaq qof u qaadan keedana loo duudsin in ay barato diinteeda ayna noqoto qof waxa ay tahay oo islaam ah ay ka muuqato markaasna midii la duudsiyo ama xaqii rabi siiyay laga qaado loo doodo oo xaqa rabigeena siiyay loogu so celiyo waxii dhaafsiisan aan laga gudbin kitaabka iyo sunada . gaalo tusaale waxay sameeyaan uma qaadan karno waayo karaamada iyo islaamka wanaajinta iyo wanaaga uu siiyay gabadha islaamka ah ma oga waa ka jaahil . islaamka saxda ah ee rabigiis yaqaan se ma duudsin karo
guntii iyo gaba gabadii waxaan ku boorin lahaa haweenka islaamka ah in ay bartaan diintooda iyo xaqa lagu leeyahay iyo kan ay leeyihiin ee rabigood siiyay markaasna ay ku dabaqaan naftooda siyaado iyo wax aan Rabi jidayna ay iska dhaafaan islaamnimaduna ay ka muuqato.
Mawduucan fari kama qodna oo intaas laguma soo koobi karo si intii rabi raxmaanku iga qadaray intaas ayaan ku soo koobayaa intii wanaagsan oo dhan waxay ka ahaatay xaga rabi ( swt ) intii ka so hadhay waa aniga iyo shaydaan walaalo waxii aan ku raali galin waad ka raali ahaan intii ku farxad galisa allah ha inagu anfaco aamiin tawfiiqda rabi ayaa iska leh swt.