Hadaba halkan ka dheeho qodobo dhawr ah oo aan rabo in aan iftiinsho sida loo baal
maray:
HIMILADEEDIIU HORKUFTAY
Qodobada Ay Ku Hungowdayday Puntland Taabagalinteeda:
QODOBKA 2AAD
2. Puntland waa dawlad-goboleed Soomaaliyeed oo madaxbannaan kuna dhisan habka
wadatashiga, demoqoraadiyadda iyo xisbiyada.Ma dhicin taasi ilaa iyo hada
3. Maamulka dawladdu waa mid baahsan, awoodda ugu sarraysana - tan Eebbe mooyee -
shacabka ayaa leh, isaga oo awooddaas u adeegsanaya si toos ah oo dastuurka iyo
shuruucda waafaqsan, qof ama qayb ka mid ah shacabkuna ma sheegan karo, kumana
takrifali karo gooni ahaan. Ma hirgalin tana
4. Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya xil ayaana ka saaran baadigoobka iyo
dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.Maamulkii Hore ee
Madaxweynaha C/Laahi Yusuf u ahaa ayaa taas arkay (Waana tuu ku gaarey xilka uu
manta hayo), Halka maamuladii ka danbeeyey ayan sidaas wax u arag
QODOBKA 7AAD
MAGAALOMADAXDA
2. Magaalo madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah saddex bilood gudahood lagu soo aaro laga bilaabo dhaqangalka dastuurka. Kuma hirgalin mudada uu dastuurku xusayo ee sadexda bilood ah waxa ayna qaadatay ku dhawaad sagaal sano in la isweydiiyo xeer u gaara Caasimada.
QODOBKA 15AAD
TIROKOOBKA
1. Dadweynaha Punltland tobankii sanaba mar baa la tirokoobayaa. Ha u fadhin
hadalkeedba lagumajiro wali.
2. Waqtiga tirokoobtu ka bilaaban doonto xeer gaar ah baa lagu soo saari doonaa.
Muhiimadba looma arag, lamina isweydiin
QODOBKA 22AAD
WAXBARASHADA
7. Dawladda xil ayaa ka saaran dhisme jaamacadeed. Maba garawsan taas
QODOBKA 25 AAD
XORRIYADDA FIGRIGA
1. Qof kasta xor buu u yahay figraddiisa iyo soo-bandhigideeda. Afka ayuu ku
egyahay, waana la isku xiraa fikirka iyo soo bandhigida aaraada.
2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal,
baahineed, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo xeerka waafaqsan faragelin la\\\'aan.
Awoodan qofka la siiyay ayaa hadana lagu waxyeelaynayaa markii uu ku dhaqaaqo
fulinteeda.
QODOBKA 33 AAD
XAQA MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSENEYAASHA/DEMBIILAYAASHA
3. Puntland waxay dib u celin kartaa dembiile, ama Eedaysane shisheeye ah, oo
dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dad-isu-celineed oo dhexmaray
Puntland iyo dalka weyddiistay celintiisa. Ma dhaqan galin, Balse iyada oo ayan
jirin XEER U YAAL Puntland iyo wadamada kale ayaa maalin walba dad laga kaxeystaa
Puntland.
QODOBKA 57 AAD
GOLAHA XUKUUMADDA
2. Muwaadin kasta oo leh sharuudaha lagu doorto Xildhibaanka ka sakow, qofka loo
magacaabayo Wasiir waa in uu leeyahay aqoon sare oo gaarsiisan heer jaamacadeed iyo
xirfad maamul oo gaarsiisan ilaa 5 sano. Ma shaqeyn, waxana dhacday in Golaha
Wasiirada Puntland dhex yururaan shaqsiyaad aan xirfadeedii iyo aqoonteed midnaba
laheyn
3. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirrada, iyo Saraakiisha sare ee
Dawladdu ma geli karaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo gaar ah, inta ay xilka hayaan.Lamaba
dayo Dastuurka, waayo intuba waa laba canleeyaan
QODOBKA 95AAD
HABKA DHAQANDHAQAALE EE SUUQA XORTA AH
1. Puntland waxa ay ku dhaqmaysaa habka dhaqandhaqaale ee suuqa xorta ah, waxayna
dhiirigelinaysaa, damaanadna siinaysaa maalgelinta dalka, mid shisheeye iyo mid
sokeeyeba. Doodihii iyo khulkhulatooyinkii ugu danbeeyey ee dhinaca ganacsiga ayaa
qodobkanina ka dhigaya mid aan jirin.
2. Habka Ganacsigu waa tartan furan. Mayee waa lajiifiyaana banana, la joojiyaana
banana.
3. Waxaa reebban qodob ka hor imaanaya tartanka ganacsiga. Mareebana, waayo maba
dhaqangalin
QODOBKA 96AAD
DARYEELKA DEEGAANKA
1. Waxaa reebban nabaadguurinta/xaalufinta (bad, cir iyo birriba) iyo sumaynta
deegaanka (bad, cir iyo birriba), dhoofinta dhuxusha, ka-ganacsiga iyo dhoofinta
dhirta qoyan iyo tan qallalanba. Waa hadii laba yaqaan ama laba ogyahay waxa reeban
ee Dastuurka Puntland qorayo iyo waxa aan reebanayn.
Maadaama aan intaas kasoo qaatay kagadaal markii aan akhrin ugu laabtay Dastuurka
Puntland ee la leeyahay waxa uu saldhig u yahay aasaaska iyo jiritaanka Maamul
Gobaleedkan, ayaa hadana marka aad fiirisid sawirka iyo dhaqanka ka taagan Maamul
Gobaleedka Puntland waxa kuu soo baxaya dhibaato iyo halis ka baaxad weyn inta aan
ku tilmaamay in maamulkani baalmaray dhaqangalintiisa, iyada oo hadii ay wax uun
looga dhaqmi lahaa Dastuurka u yaal Gobalka ayba yaraan laheyd dhibaato badan oo ka
dhashay markii la baalmaray wax badan oo lagu heshiiyay in ay saldhig u noqdaan
Nidaamka Puntland.
Dhibaatada Maanta ka jirta Puntland ayaan aheyn mid lagu soo koobi karo hadal, balse
kuugu filan in aad ka daalacatid waxa jira sawirada cajaa’ibka ah ee ka imaanaya
dhamaan degaanadeeda, sida ay oraneyso Proverb Germanyah \\\"A picture tells more than
a thousand words\\\" ayaa hadaba sawiradani yihiin kuwo cabiraya xaalada dhabta ah ee
ka jirta meesha.
Sida maalmahan caadada noqotay in dhibaatada ka jirta Puntland, ay waxgarad iyo
aqoon yahan badani siyaabo kala duwan uga hadlaan, taasoo dhamaanba ay usaarayaan
fadqalalaha baahsan ee ka jira Puntland in ay sabab u yihiin xukunka hada talada
haya, iyagoo aad dhinaca kalena moodaysid in ay waxyaabo badan oo ragaadiyay
Puntland kaba indho la’yihiin amabase iska indho tirayaan, tanoo ay ugu weyntahay
Puntland oo aan marnaba si dhameystiran u dhaqan galin Dastuurkii ay dagsadeen,
dhibaatada ka dhalatayna ay sabab u tahay xaalada qalafsan ee maanta taagan, waxa la
oran karo maamulkanna waa dhaxlay ayaa waxa ay tahay in uusan la iman aragti furan
oo wax saxda, isagoo dastuurkii u dagsanaana maamulka aanba gadaal u jaleecin, u
jaleecin la’aantaas Dastuurkuna waa tan lagurubsanayo xumaanteedii hada.
Waxa laga yaabaa in dad badani isweydiiyaan waa maxay dhibaatada ku dhaqan la’aanta
Dastuurku u geysan karto Puntland? Balse waxa cad oo jawaab u noqon karta taa ayaa
ah, iyada oo lawada ogyahay in jiritaanka iyo aasaaska Puntland gundhig looga dhigay
Dastuurkan maanta la baalmarayo, ayaa hadana marka la laalo gabi ahaantiisna laga
fursan Karin imaanshaha iyo bilowga khalkhal sababi kara in xididada loo siibo
tiirarka saldhiga u ah sugnaanshaha Maamul Gobaleedkan, oo ay ugu horeyso amnigu.
Si aan hadaba u fahano halista iyo khataraha ku imaan kara Maamul Gobaleedka
Puntland amase tan ay hada ku jirto, waa in aan aqoon u leenahayay baahida keentay
in sideedaba dhidibada loo taago maamulkan.
Baahida keentay Aasaaska Puntland:
Sida ay qeexayso aragti uu qoraal ahaan ku soo bandhigay Magaalada London 1994,
Ururkii la oran jiray SSDF, mar uu ka hadlay mustaqbalka Soomaaliya waxa sal u noqon
kara, ayuu ku xusay in muhiimadu ay tahay in laga dhaqan galiyo Soomaaliya nidaamka
Federalism, kaasoo wadanka ay ugu qaybiyeen shan maamul gobaleed.
Taasi oo jirta ayaanan hadana la oran Karin waa aragtida rasmiga ah ee ka danbeysa
aassaaska Puntland, inkastoo guuxaaasi meesha ka maqnayn, ayaan hadana marka
aragtida guud la fiirsho laga dhadhansan karaa, in hirgalinta dhidibada loogu taagay
Puntland ay ku timid markii rajo xumo wayni uga timid dib usoo celinta Qaranimadii
Soomaaliya ee ay la wadaageen Soomaali inteeda kale.
Marka aad eegtid taariikhda la unkay Puntland 1998-kii ayaa daliil u noqon karta
aragtida ah in sideedaba ay ku timid rajoxumadii ay ka qaadeen dib u yagleelid
la’aantii Qaranimada Soomaaliya, taasna waxa cadeynaya markii uu burburay shirkii
isbaheysigii Sodare ku wadeen in Soomaaliya dowlad loogu dhiso qorshahuna ahaa in
shirkaasi ka dhaco magaalada Boosaasso, dadkeeduna ku haminayay uu daleel marin ku
idlaaday, tan labaad oo taas ugu biirtayna ay noqotay dharbaaxadii siyaasadeed ee
lagu burburiyay qorshihii Isbaheysigii Sodare ee ka dhaqan galay shirkii Qaahira,
taas oo lawada xasuusto in caradii ka dhalatay la iclaamiyay shirweyne dib loogu
falanqaynayo siyaasada Gobalada W/Bari, tanoo markii danbena iskugu biyo shubatay
aasaasida nidaamka Puntland.
Hadaba marka laga hadlayo ujeedada iyo danaha laga lahaa Puntland iyo baahida
keentay aasaaska Puntland ayaa kala duwanaan kara, macnayaal kala fogna ku fadhin
kara, iyadoo muuqaalka guud hal ujeedo loowada dhigayo, ayaa hadana danaha laga
lahaa noqon kareyn \\\"Halkii Waraf ee Dhowrka Shimbirood in lagu dilo la rabay\\\", sidoo
kalena aysan ka maqnayn ujeedooyin gaar ah.
Mida ugu muhiimsanayd ee dadka Gobalku rajeynayeen ayaa waxa ay aheyd bal in ay
helaan maamul iyo nidaam waxtar ah oo u horseedi kara jiho hurumar leh, kaasoo ay
kaga baxayaan mugdigii iyo mustaqbal xumadii ka dhalatay markii ay waayeen
qarannimadoodii, dhinaca kalena iyaga oo aan ilaaweyn walaalahoodii Soomaaliyeed
ayaa waxa maskaxdooda ku rafanayay mar walba in taabagalinta Puntland ay hormood u
noqondoonto sidii mar labaad dhidibada loogu taagi lahaa qarannimada Soomaaliya.
Tan ayaa cadeyn waxa u noqon karta sida ka muuqata Dastuurka Puntland Qodobka labaad
faraciisa sadexaad, Q2/L3, kaas oo oranaya \\\"Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya
xil ayaana ka saaran baadigoobka iyo dhawridda dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan
habka Federaaliga ah\\\".
Intaas hadii aan ka bidhaansanay baahida ka danbeysay aasaaska Maamul Gobaleedkan
iyo waliba ujeedooyinka laga lahaa higsashadooda, ayaan hadaba gadaal u jaleecaynaa
halka himiladii dadka gobalkani ka hirgali wayday, ha ahaato mushkiladaha hada lagu
baraarugay amase ha ahaadeen marin habow iyo jidkii uu qaadi lahaa gobalkani oo aan
markii horeba si baahsan loo falanqayn.
Dhismihii Puntland:
Dhismihii Puntland ayaa aheyd mid dad badani u arkeen talaabo hore loo qaaday, halka
qaar kalena ayba madaxmartay hamuunta iyo jacayl ay u qabeen in waxuun nidaam iyo
kala danbeyn ah mar laga hirgasho gayigooda, Kalgacalkii siyaadada ahaa ee loo
qaaday dhalashada maamulkan ayaa keentay in aan si sareexad leh la isku weydiin
hanaankii lagu ababin lahaa ubaxan curdanka ah, tanoo u muuqatay in uun ay aheyd bal
marka hore wax ha la yagleelo, dabadeedna laga badin waayay dulmeeraysiga udbihii la
mudmuday maalintii u horeysay, iyadoon wax lagu kordhinayo aanan jirin.
La Soco Qaybta Labaad
W/Q Muxyadiin X Ciid