Gaalgacyo. (RW). haddii aan nahay Culumada, Isimada, Aqoonyahanada, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha, waxaan Digniin buuxda u direynaa dhamaan Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Culumada, Isimada, Aqoonyahanada iyo in alaale iyo intii ildheer garad ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya Gudahiisa meel walba ay joogaan.
Waxaana ooga digeynaa waxyaalaha ku soo gordhey Dalka Soomaaliya, oo aanan dhaqan iyo caado u laheyn, kuwaaas oo ah dilalka qorsheesan oo waayadii horena ka jirey caasumada Soomaaliya ee Muqdisho hadana ku fidey dhamaan Gobolada iyo Degmaayinka Dalka Soomaaliya.
Waxaan dhamaantiin idinku baaqeynaa in aad is ilaalisaan iskana ilaalisaan cadowga Ummada iyo cadowga naftiina meel walba idinka yimid ee idin ugaarsanaya, iyagoo ooga dan leh inay Dalka oo idil ka dirdiraan intaan gor ku soo sheegney, si beri la isu weydiiyo dhulkaan yaa lahaan jirey, amaba ka talin jirey.
Waxaad wada ogtihiin haddii Ummada laga laayo intaan soo sheegney waxa isku haraana ay yihiin waxaan waxba ogeyn, ay imaaneyso mashaqo intaan ka sii xun.
Waxaad la socodiin mudooyinkii hore Magaalada Muqdisho ayay ka jiri jireen in lagu laayo intaan soo sheegney oo idil, hadase waxaad marqaadi ma doonto ka tihiin in lagu laayey magaalooyinka ay ka mid yihiin Kismaayo, Galgacyo, Bosaaso, Hargeysa, Burco, Marka, Baydhabo iyo kuwo kaloo aan halkan ku soo koobi karin, waana wax lala yaabo oo aan fileyno in ay ka mid tahay caraduu Allaah naga caroodey qeyb ka mid ah.
Haddii ay Umaadu iyadu isu naxi weydo Allaah isagu uma naxariisto.
Digniintaas waxay ku socotaa dhamaan Shacabweynaha Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin Dhamaantiin Soomaaliyeey, Midnimada Soomaaliyana waa lama taabtaan iyo Waxgarad Soomaaliyeed Dhamaantood.
Gaalgacyo. www.raadiowaamo.com
raadiowaamo@hotmail.com