Garoowe. 1.july.2010.7:10 PM (RWN). Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada garoowe ee caasumada dawlada puntland.
Xaflad si gaar ah ay usoo qabanqaabiyeen aradada iyo maamulka machadka luu qadaha ee salaahudiin ayaa laku qabtay iskuulka hoose dhexe ee darwiish.
Munaasabadaan oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf isuku jirta maamulka puntland iyo bulsho waynta ku dhaqan magaalada.
Ugu horayn waxaa mikroofoonka laku soo dhaweeyay oo xaflada furay wasiir dawlaha maamul wanaaga puntland mudane maxamed faarax ciise gaashaan.
Wasiirka ayaa kahadlay sooyaalka gobonima doonka soomaaliyeed iyo taarikhda ay leedahay maalimta weyn ee 1 luulyo oo ah maalintii ay xorowday gaobolada koonfuree isla markaana ay is raaceen waqooyi iyo koonfur.
Sidoo kalena waxaa microfonka lagu soo dhaweeyay abwaanka soomaaliyeed abwaan shube , abwaanka ayaa cabirkiisa ku cabiray dhanka suugaanta iyadoo uu sheegay in ay manta ay tahay maalin ku weyn umada soomaaliyeed iyadoo ay dadweynihii munaasabada kasoo qayb galay ay si wanaagsan ula dhaceen.
Sidoo kale waxaa madasha ka Hadley Axmed sheikh Gudoomiyaha akaademiyada reer puntland waxa uuna sheegey in loo baahan yahey in manta oo kale ay bulshada reer soomaaliyeed ku qortaan meelo gaar u ah.
Waxaa guntii iyo gabagabadii munaasabada lagu soo dhaweeyey microphone-ka Xubin ka tirsan Golaha wakiilada puntland, Xildhibaan Maxamuud Faarax waxaa uu ku dheeraadey sharafta ay xoriyadu u leedahey bulshada soomaaliyeed
Iskusoo wada duuboo Munaasabadan uu soo qabanqaabiyey machadka luqadaha iyo xisaabta ee Salahu-diin ayaa waxa ay ku bilaabatey jawi dagan sidoo kalena waxey kusoo dhamaadey jawi degan, iyadoo ay munaasabadani ay qabsoomtey xilli tan iyo xaley ay ka dhacayeen magaalooyin soomaaliyeed gaar ahaan puntland munaasabadu lagu maamuusayo 1-da Luulyo.
Garoowe. Shabakada Wararka ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose.