RADIO WAAMO

WARAYSIYO/MAQAL

Muqdisho. 10 June 2010.(RWN). Waa maxay Mawqifka Madaxtooyada Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada.
Muqdisho. 10 June 2010.(RWN). Kaddib markii ay shalay iyo maanta is casileen dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda FKM ah, ayaa waxaa batay faallooyin ku saabsan arrintaas. Qaar ka mid ah saxaafadda iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa is-casilaadda wasiirada ku macneeyeen in ay tahay mid Madaxtooyadu wax ka og tahay ama Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu ku culaysiyo Wasiirka 1-aad.

Waxan caddayneynaa in arrintaasi aysan sidaas u dhicin.

Is-casilaadda wasiiradu, waa mid iyaga ka timid; waana arrin dhex-taalla Golaha Wasiirada.

Dhanka kale, dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, sidaas darteed, Madaxweynuhu waxa uu ku talinayaa arrimahaan oo kale in ay ka wada hadlaan masuuliyiinta ay khusayso.

Sidoo kale iyada oo la ixtiraamayo aragtida wasiirada, haddana Madaxtooyadu uma aragto is-casilaadda qaabkan ah in ay tahay sida ugu habboon oo xal lagu gaari karo.

Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho. Shabakada Wararka ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.

KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 
FIKRADAHA/MAQAALLO