RADIO WAAMO

WARAYSIYO/MAQAL

Muqdisho. 16 May 2010.(RWN). Xaaladda baarlamanka DKM oo maanta kacsan iyo duqaymo dadi ay ku dhinteen oo kadhacay Muqdisho

Muqdisho. 16 May 2010.(RWN).  Guddoomiye Sh. Adan Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in DKMG ay dhacday. Xildhibaanno kale ayaa iyaguna xilkii ka qaaday Adan Madoobe

Fadhi ay markii ugu horeeysay guriga Ummada ee Muqdisho ku yeesheen baarlamaanka KMG ayaa ku dhamaaday buuq iyo is faham la'aan.

Xildhibaannada ka soo horjeeda guddomiye Sheekh Adan Madoobe ayaa buuq iyo sawaxan kala horyimid markii uu guddoomiye Madoobe soo galay hoolka.

Guddoomiye Aadan Madoobe, ayaa fadhigaasi kadib shir jaraa'id oo uu gurigiisa ku qabtay ku sheegay in xukuumadda C/rashiid Cali Sharma'arke ay dhacday.

Dhinaca kalena, qaar katirsan xildhibaannada oo iyagu hoolka shirka ku hadhay ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Adan Madoobe, iyagoo xilka u doortay ninka ugu da'da weyn baarlamaanka oo lagu magacaabo Xaaji Shukri Sheekh Axmed.

Adan Madoobe, wuxuu VOA-da u sheegay in muddo 30 cisho ah uu madaxweynaha ka codsaday inuu ra'iisul-wasaare ku soo dhiso. Dhanka kalena guddoomiyaha cusub ee la doortay Xaaji Shukri wuxuu isna VOA u sheegay in muddo 15 cisho ah guddoomiye cusub la soo dooran doono.

Muqdisho. Shabakada Wararka ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.

KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 
FIKRADAHA/MAQAALLO