RADIO WAAMO

WARAYSIYO/MAQAL

Bosaaso. 09 May 2010 (RWN). Kulan uga socda xarunta Madaxtooyada Boosaaso Golaha xukuumada ee Puntlland.
Bosaaso. 09 May 2010 (RWN). Waxaa saaka ka socda xarunta Madax tooyada Gobolka Bari ee Boosaaso kulan ay albaabada u xiran yihiin oo ay leeyihiin Golaha Xukuumada Puntland ,kulankaan ayaa waxaa shir gudoominaya Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxaan Shiikh Maxamuud Faroole.

Shirkaan ayaa waxaa Golaha xukuumadu ay diirada ku saarayaan sida xog aan ku helnay sida Dowlada Puntlland ay ka yeelayso dad aad u fara badan oo barakacayaal ah oo ku sugan Gobollada Puntlland gaar ahaanmagaalada ganacsiga ee Boosaaso.

Qaar ka tirsan Golaha xukuumada ayaa iyagu waxaa ay  qabaan fikrada ah in dadka barakacayaasha ah laga saaro magaalada Boosaaso oo xarumo looga dhiso meelo ka baxsan magaalada maadaam magaaladu ay dad aad u fara badan la ciirayso,halka qaar kale ay qabaan in barakacayaasha aan ahayn soomaali lagu celiyo meelihii ay ka yimaadeen gaar ahaan dalka Itoobiya.

Golaha xukuumada Dowlada Puntlland ayaa waxaa kale oo ay aad uga dooda yaan qaabka uu u dhisan yahay ciidanka Booliska iyo qaabkii loo tayan lahaa oo loogu furi lahaa tababaro kale duwan. Magaalada Boosaaso ayaa waqtiga habeenkii waxaa lagu arkaa cidamo badan oo ka tirsan laamaha amaanka oo gaaf wareega gudaha Boosaaso.

Golaha xukuumada Dowlada Puntlland ayaa la filayaa in shirkooda uu ka soo baxo go,aano ku aadan amaanka Boosaaso iyo wax laga yeelayo dadka barak cayaasha ah ,kuwa naftooda ku halaaga tahriibka kooxa burcadbadeedka iyo arimo kale.

Bosaaso. Shabakada wararka ee radiowaamo.com
                Codka Shacabka Jubbada Hoose.

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.

KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 
FIKRADAHA/MAQAALLO