RADIO WAAMO

 

WARAYSIYO/MAQAL

Nayroobi. 18 Apr 2010(RWN). Wiilkii Soomaaliga ahaa ee lagu Diley Nayroobi kuna dileen Boliska Kenya, warbixin ku saabsan.

Nayroobi. 18 Apr 2010(RWN). Ciidanka dalka Kenya ayaa xalay waxaa ay si arxan daro ah u dileen si bareer ah wiil Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa dalka Kenya,Wiilkaan oo lagu Magacaabo Maxamed Fu.aad Maxamed Indho Male ayaa u geeriyooday dhaawac ay xalay Bartamaha Xaafadda Islii gaar ahaana Wadada 6-ka ugu gaysteen Ciidanka Dalka Kenya gaar ahaana kuwa Qori Dheerta ay Soomaalidu u taqaano, Sida Shabakadda radiowaamo.com u xaqiijiyeen ilo wareed ku sugan Magaalada Nayroobi.

Marxuunka oo ka mid ahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya gaar ahaana Xaafadda Islii,ayaa 2 Askari oo ka tirsan Booliiska Kenya ay jir dileen Xilli ay doonayeen inay ka qaataan Lacago baad ah oo ay caadaysteen inay ka qaataan Soomaalida ku nool Xaafadda Islii iyo gabi ahaan Dalka Kenya.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Maxamed Fu.aad Maxamed Indho Male ay Ciidamad du la dheceen Feer,Laad iyo dhinaca Dambe ee Qoryo ay wateen, markuu uu ka diiday inuu siiyo Lacago baad ah oo ay doonayeen inay ka qaataan.
Alleha u naxariisteen Maxamed ayaa u geeriyooday dhaawac dhinaca wadnaha ah oo ka soo gaaray jir dilkii Ciidanka Kenya,waxaana haatan Meydkiisa dul jooga oo baaritaano ku wada Ciidamadda Dambi baarista ee dalka Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Meydka Marxuumka ay la wareegeen UN-ka,baaritaana waxaa ku haya Takhaatiir horay Qaliin ugu samaysay wiilka soomaaliga ah oo lagu magacaabo Maxamed Fu.aad, Ciidamadda Kenya ayaa aalaaba caadaystay Baad iyo jir dil ay kula kacaan Soomaaliyeed Magan galyo doonka ah ee ku nool Xaafadda Islii, Magaaladda Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida ayaana aheyn kuwo ka dooda dhibaatooyin ka badanaa lagula kaco iyadoona xisaab iyo Cadad ay laheyn tiradda Soomaali da ah ee micno daro loogu dilo Dalka Kenya,waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartaa is rasaaseyn Xaafadda ku dhex marta Askar iyo Tuugo is baacsanaysa mana jidho cid u dooda xuquuqdooda oo u hadasha.


Nayroobi Shabakada Wararka ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose.


Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 

FIKRADAHA/MAQAALLO