
Muqdisho. 18 Apr 2010(RWN). Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank DFKM Cisman Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay in uu xilkii uu u hayey DFKM uu iska casilay, gudoomiyaha ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka DFKM Cismaan Boqore is casilaadiisa ayaa ku soo aaday xili uu shalay gaaray Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Aadan Madobe iyo Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank DFKM Cisman Cilmi Boqorre aya sheegay in casilaadiisa ay tahay mid shaqsiyeed iyo in uu wada shaqan fiican ka heli waayey gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Aadan Madoobe.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank DFKM Cisman Cilmi Boqorre ayaa sheegay in xilinbaanada Baarlamaanka ay fikradooda xor u yihiin
balse waxaa uu sheegay in gudoonka baarlamaanka uu xilkii ka dhamaaday
Warar soo baxaya aya jira oo sheegay in gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamanka la filayo in uu isagana is casilo arinkaas oo keeni karta buuq ka dhashay sharciyada ay ku sii jiri karto DFKM oo xilibanaada qaarkood ay isku hayaan in gudoonka baarlamaanka uu ka dhamaaday xilka iyo in DFKM oo dhan uu xilka ka dhamaaday haddii gudoomiyahah Baarlamaanka xilka laga xayuubiyo.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaank DFKM Cisman Cilmi Boqorre oo waraysi siiyey Idaacada VOA ayaa sheegay in uu ahaa qof magac u yaal ah oo markii shir la qabanayo loo yeeri jiray iyadoo aan wax talo ah uusan ku lahayn arimaha siyaasada ee Baarlamaanka iyo dhaqaalaha loo qoondeeyey xubnaha Baarlamaanka.
Muqdisho Shabakada Wararka ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose.