
Garoowe. 12 Apr.2010.(RWN). Waxaa saaka si weyn looga xusay xarun dowlada Puntland xuska maalinta ciidanka qalabka sida ee Somaaliya waxaana xaflad balaaran lagu qabtay xerada 54 ee duleedka magaalada Garoowe.
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa gaado ka cayaar soo bandhiga qeybaha kala duwan ee ciidanka dowlada Puntland waxaana salaan sharaf ka qaatay madaxweyne ku xigeen Puntland Jen C/samad Cali Shire.
Xaflada ayaa waxaa kaloo ka soo qeyb galay masuuliin kala duwan sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland waxaa iyana goobta joogay saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland isimo,iyo waxgarad kale oo tiro badan.
Xaflada ayaa waxaa khudbad kooban ka jeedshay madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdi Samed Cali Shire isaga oo ka hadlay qiimaha ay maanta u leedahay umada Soomaaliyeed xuska maalinta ciidanka qalabka sida.
Garoowe. Shabakada Wararka ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose.