Khartuum. 11.Abr.2010. 7:10 AM (RWN). Shacabka wadanka Sudan ayaa maanta waxaa ay u dareerayaan goobaha codbixinta iyadoona mid kasta oo kamid ah shacabka isdiiwaan galiyay uu doonayo in uu arko xisbigii ama shakhsigii uu ucoadeeyay oo guulaysatay .
Doorashooyinkan Axsaabta badan ayaa ah kuwii ugu horeeyay oo mudo 24 sano ah kadib ka dhaca gudaha wadanka Sudan iyadoona qaar ka tirsan Axsaabta ka qayb galaysa doorashooyinkaasi ay dhaliileen gudiga madaxda ka ah doorashooyinkaas.
In kabada 16 Million oo qof ayaa isdiiwaan galiyay si ay uga qayb galaan doorashooyinka waxaana ay doorashooyinkaasi usii googol xaarayaan heshiisyadii ay horay Koonfurta iyo Waqooyiga wadankaasi ay galeen.
Doorashooyinka ay hada shacabka Sudan u codbixinayaan ayaa isugu jiraa baarlamaani,goboleed iyo kuwa madaxtinimada oo ay madaxda Axsaabta mucaaradku doonayaan in ay kula tartamaan Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al bashiir.
Madaxweynaha Sudan oo horay Maxkamada caalamiga ah ee Haik ay u amartay in lasoo qabto ayaa ah mid doorashooyinkan ka filaya in uu guulaysto maadaama uu taageero badan ka haysto shacabka wadankiisa.
Khartuum
Shakadda Warbaahinta ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose.