Muqdisho. 11.Abr.2010. 1:46 PM (RWN). Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in la soo gabagabeeyay dhismaha Guriga Shacbiga ee magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka socotay howlo lagu dayactirayay gurigaasi.
Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay la hadal hayay in Kalfadhiga Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya uu si toos ah uga dhici doono xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa maanta Mudanayaashii katirsanaa Baarlamaanka islamarkaana ku howlanaa dhismaha Xaruntaasi waxa ay sheegeen in guud ahaanba la soo gabagabeeyay dhismaha xarunta Golaha Shacbiga ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Diiriye oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka KMG kana mid ahaa gudigii u xilsaarnaa dhismaha guriga Golaha Shacabiga ee magaalada Muqdisho oo maanta Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in uu dhamaaday dhismaha Guriga Shacbiga islamarkaana loo baahanyahay in Baarlamaanka ay Kalfadhiyada si toos ah ugu qabsadaan.
Inkastoo ay sheegayaan Xildhibaanadan u xilsaarnaa Dayactirka xarunta golaha Shacabiga ee magaalada Muqdisho in uu gabagaboobay dayactirkaasi ayaa hadana maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray kalfadhiyo ay si gooni gooni ah u yeelanayeen mudanayaal katisan Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood looga hadlayay sidii uu dib magaalada Muqdisho uga furmi lahaa kalfadhiyada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.
Muqdisho Shakadda Warbaahinta ee www.radiowaamo.com
Codka Shacabka Jubbada Hoose.