RADIO WAAMO

 

WARAYSIYO/MAQAL

waa maxay musuqmaasuq

masiibooyinka ragaadiya horumarka wadan iyo sidoo kale horusocodka bulshadiisaba.waa sida cancer haddii uu bulshada ku dhaco ama qeyb kaga dhacaba loo wada dhimanayo ,wadanka ama bulshada musuq,maasuq caadeysataana waxay ka dhigan yihiin sida qof aan dhiman,nolol hagaagsana aan heysan oo kale.wadanku haddii uu yahay mid ku shaqeeya nidaam musuq,maasuq waxa xaqiiqo ah in sharcigiisu uu ka dhigan yahay sida xuubka caarada oo kale.xuubka caaradu wuxu qabta keliya wixii uu ka awood badan yahay,waxana ka gudba wax kasta oo ka awood badan.sharcigu wuxu noqonayaa mid loo adeegsado  danyarta iyo dadka tabaleysan,inta awooda badana sharciga ayey ku tumanayaan oo ay ka gudbayaan.
 
Nidaamka bulshadu haddii uu noqdo mid hab musuq,maasuq u adeegaya waxa dhab ahaantii suura gal noqonaya in ay meesha ka baxdo dantii guud,waxa qudha ee la isla wada qaadanayaa ama lagu shaqeynayaana waxa uu noqonayaa keliya danta gaar,ahaaneed .xoolaha ummada iyo hantida bulshadana waxa looga fa,ideysanayaa si gaar ahaaneed.waxana lagu tumanayaa xuquuqda dadka cashuur bixiyayaasha ah.
 
xoriyada wadanku heysto ama u soo halgamayna waxay noqoneysaa mid bar kuma taal ah, mar haddii wixii xornimada loo qaatayba la musuq,maasuqayo oo aan dadka iyo dalka loo ilaalineynin.

Wadanka musuq,maasuqu ka qeyb noqdo nidaamkiisa maamul, wuxu ka dhigan yahay sida bas ay saaran yihiin 20  qof oo 10-na ay doonayaan in ay gaadhiga wadaan,10-ka kalena ay wada donayaan in ay lacagta uruuriyaan,maxaa baskaasi ka dhex dhacaya bal.
Musuqmaasuqa waxaa ay kubarada arimahaas diraasaysa ku tilmaantaa inay sababto dhawr arimood lakiinse ay ugu wayntahay kuwaan hoos ku qoran:
 
1.sharciga oo la baalmaro: sharciga dalka iyo qaanuunka u yaal oo aan la eegin lana sameeyo wixii kusoo dhacda qof maskaxdiis ayada oo aan lasamaym wax eegid dastur ah ama sharci ah.
 
2. Masuuliyad xumo: hogaamiyaha ama qofka oo aan dareensanayn masuuliyada uu u hayo bulshada ama dadka uu u shaqaynayo iyo asaga oo aan dan kalahayn hawlaha wadaninimo dhankastoo ay tahay , haday tahay dhanka horumarka bulshada, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha IWM. 
     
Waxa jiri kara in sharciga wadanka u dejisan ee kala hagaya hawlahu uu noqon karo mid sabab u ah in musuq,maasuq dhaco.maxaa yeelay waxa laga yaaba markii la dhigayey ayaa loo  dejiyey hab iyo nidaam saacida wax is dabo marinta iyo wax lunsashada.wax ka xuna ma jiro in marka hore la sameeyo nidaam loogu talo  galay in lagu dhibo dadka  ama xoolahooda lagu lunsado.

Marka laga tago ta hore oo ah in sharciyada xuni ay abuuri karto musuq,waxa kale oo sababi kara in musuq,maasuq dhaco haddii hawl wadeenada dawlada  sida  masuuliyiinta iyo madaxdu ay noqdaan kuwo baal marsan shaqadii iyo waajibaadkii.maxaa yeelay qofka xuni wuxu falaa uun wax xun.madaxda xun,xuni waxay ku kacaan musuq,maasuq,marna
haddii wadanka madaxdu ka xumaato waxyaabaha ay aalaaba la yimadaan waxa ka mid ah musuq,maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Waxa kale oo iyaduna meesha ku jirta in masuuliyiintu ay yihiin kuwa sameeya sharciga xun,iyo ka wanaagsanba,haddii ay xumadaan waxay sameynayaan sharciyad xun oo u adeegta dantooda.haddii kalena  mid wanaagsan oo ummadda  u dhex ah.

Sharcigu isma dhaqaajiyo laakin cida meel Marisa ama ku dhaqantaa waa bulshada oo ay ugu horeeyaan masuuliyiinta iyo madaxdu markaa haddii ay iyagu dadka ka xumadaan waxa xitaa  xaqiiqo ah in sharciga kiisa  wanaagsani aanu is wadeynin.

Sharciyada xun iyo madaxda baal marsan jidka wanaagsani waxay muujiyaan sida musuq,maasuqa iyo maamul xumadu u baahday, maxaa yeelay haddii ay jirto maamul ama hogaan aan aqoon waxa uu xaqa uleeyihiin bulshada uu hogaamiyo oo kaliya uu kafakaro naftiisa iyo cidda geeskiisa ah ( reerkiisa) hogaamiyahaas waxaa xaqiiq ah inuu horseeday musuqmaasuq toos ah waana midda keenta in ummado badan ama dalal badan oo adduunka kamid ah ay ku waayeen kala danbaun iyo nadaam sax ah .
 
Musuqmaasuqu waa waxa sababa burburka bulsho ama dawladnimo , tusaale ahaan waxaad kagaran kartaa wadamo badan oo katirsan adduubka gaar ahaana afrika inay yihiin kuwo aan lahayn nabad fadhida ama laisku halayn karo dhibta waxa keenayna ay tahay isdaba maryaynta iyo ku tagri falka xoolaha dadweynaha ....................................
 
lasoco qaybta labaad
 
W.Q Koor Nour E.koor
koor04@hotmail.com


www.radiowaamo.co Shabakada Wararka
Codka Shacabka Jubbada Hoose.


Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 

FIKRADAHA/MAQAALLO