RADIO WAAMO

 

WARAYSIYO/MAQAL

SOOMAALIYA Kismaayo.Taageerid heshiiska jabuuti ay ku gaareyn DFKM iyo Isbaheysiga

 


Kismaayo (raadiowaamo) Haddii aan nahay dhamaan gudiga iyo xubnaha Ururka Badbaadinta iyo Mideynta Jubbada Hoose ee ku kala nool Gudaha dalka Soomaaliya, Bariga Afrika, Bariga Dhexe, Yurub, Waqooyi Ameerika, Australia iyo New Zealand waxaan taageeraynaa nabada iyo heshiiska lagu gaarey Jabuuti 09.06.2008 oo ay wada gaareen DFKM iyo Isbaheysiga la magac baxey Dib u Xoreynta Soomaaliya fadhigiisuna yahay Asmara.
Waxaan DFKM iyo Isbaheysiga ugu baaqeynaa in ay nabada ay gaareen ay xoojiyaan, ayna nabada ay gaareen si toos ah looga dareemaa labada caasumadood ee Muqdisho iyo Kismaayo oo dhibka ugu badan uu heysto shacabkooda.
Si ixtiraam ku jiro waxaan DFKM uga codsaneynaa in ay Kismaayo ku soo celiso gacanteeda ka ddibna ay la xisaabtanto kooxihii ka danbeeyey dhibaatooyinka baahsan ee lagu gumaaday lagana barakiciyey shacabka magaalada Kismaayo, taas oo aan ahayn wax qarsoon, waxaana gumaadkaas baahsan si toos ah uga danbeeyey Bare Hiiraale iyo Cabdirisaaq Taano, iyo nimanka kale ee la baxey Golaha Siyaasada Beesha Sade oo uu midkoodna ku dhalan deegaanka Waamo. 
Shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis, qaasadan shacabka gobolka Jubbada Hoose waxay u ooman yihiin nabad iyo dowlad Soomaaliyeed, sidaas awgeed, dowlada waxaanu leenahay idinkaa u ah ummada Soomaaliyeed dowlad,  nabadana idinkey idinka sugayaan ee sida ugu macquulsan ugu gargaara shacabka dhibaateysan. 
Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay taageeran heshiiska lagu gaarey Jabuuti si loo badbaadiyo inta hartey shacabka soomaaliyeed,Waxaana halkan hambalyo gaara ugu diraynaa Dowlada iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo raga uu hogaaminayey ee sida geesinimada leh u qaatay una goostay inay la heshiiyaan DFKS, si loo soo af-jaro dhibaatooyinka baahsan ee shacabka Soomaaliyeed ragaadiyey.


 mahadsanidiin Dhamaantiin


 NB: Ururka Badbaadinta iyo mideynta Jubbada hoose wuxuu ka kooban yahay dad soomaaliyeedka ee ka soo jeeda Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, ururka waxaa loo aasaasay ka dib markii dadka ku dhashay magaaalada Kismaayo ay kala kulmeen kooxaha aan arxanka lahayn ee kismaayo qabsaday 1999-kii, deegaankana la yimid dhibaato isugu jirta dhac, kufsi, iyo gumaad aan loo aabayeelin. Sidaas daraadeed Ururku wuxuu go\'aansaday oo abaabulay dib u badbaadin lagu badbaadinayo shacabka gobolka J/hoose, looga soo horjeedo Kooxaha Dooxada Jubba iyo inta tuugada ah ee taageersan.
 Waxaana ururka siyaasadiisa ka mida ah oo kale in Ummada soomaaliyeed iyo cid walba oo nabada jecel la gaarsiiyo qaylo dhaan rasmiya oo cadaynaya dhibaatooyinka tacadiga leh ee haysta shacabka Waamo, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Kismaayo. Waxaana Ilaahay ka rajaynayaa uguna ducaynaynaa in ummadaas Ilaahay ka qaado dhibka iyo Isbaarooyinka 13-ka korka u dhaafay ee loo dhigtay dadka dega Magaalada Kismaayo.


 


 Ururka badbaadinta iyo mideynta jubbada hoose.

kala xiriir. waamogroup1@hotmail.com ama reerwaamo@gmail.com

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo ka hadlaya sidii uu ku dhashay kuna dhamaaday kacaankii 21-ka October.
KENYA,08-MAARSO,2009(RW)Waxaa ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi heshiis lagu magacaabey is fahan dhanka xuduudaha badda Soomaaliya iyo Kenya ah.
 

FIKRADAHA/MAQAALLO